- May 11, 2022
- Posted by: moai
- Category: News
No Comments
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dawladda Puntland Xaaji Aadan Cabdi Jamac iyo masuuliyiin ka socota hay’adda FAO ayaa kormeer ku tegay qaar kamid ah beeraha ku yaal Gobolka Nugaal.
Wafdiga ayaa kormeer kooda u kuurgalka ah ka bilaabay deegaanka Jiba-galle ee duleedka bari ee Garowe, waxayna halkaasi kulamo kula qaateen beeralayda iyagoo kormeeray qaybo badan oo ka mid ah beeraha deegaankaas, si loo ogaado baahiya beeralyda.
